Khayre oo booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa saaka booqasho kormeer ah ku tagey xarunta Taliska ciidamada Booliska dowladda ee magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha oo ay ku wehlinaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka ka mid ah, ayaa Ujeedkeedu wuxu ahaa u kuurgalista Xaaladda Booliska.

Taliyaha ciidamada Booliska Somalia General Cabdi Xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxda kale ee la socotay xarunta, halkaasi oo uu Salaan sharaf ku siiyay.

Intaasi kadib, ayaa Mudane Kheyre ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska oo la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, iyo sida ay u gutaan Waajibaadkooda sugida amniga dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo noqday Askari Boolis ah oo ka howlgali jiray degmada Hodon, ee gobolka Banaadir, islamarkaana uu aaminsan yahay in Booliska uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Wuxuu kula dardaarmay Ciidamada Booliska inay gutaan Waajibaadkooda qaran, isagoo u balanqaadey in Dowladdiisa ay ahmiyad koowaad siin doonto bixinta Xuquuqdooda iyo mushaaraadka bil kasta.

GAROWOENLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM