​Khilaaf ka taagan Doorashada Aqalka Sare Somaliland [AKHRISO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga federaalka hirgelinta Doorashooyinka dadban (GFHDD) ee Somalia, ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha Somaliland.

Gudiga  ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen, waxay ku sheegeen inay iyagu leeyihiin go'aamada xilliga ay billabanayso Doorashada Aqalka sare ee Somaliland iyo ku dhawaaqida musharaxiinta ku guulaysta kuraasta aqalkaas.

GFHDD ayaa ku baaqay in looga danbeeyo go'aanka doorashada, waxaana uu ugu baaqay Gudiga Doorashada Somaliland inuu faraha kala baxo arrimaha Doorashooyinka Aqalka sare ee ka dhacay Muqdishu.

Hadalkan ayaa yimid markii Guddiga Doorashada Somaliland ay shaaciyeen dhawaan in maanta oo sabti ah lagu qabanayo Muqdishu doorashada kuraasta Aqalka sare ee beelaha kasoo jeedo gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta kasoo jeedo beelaha Waqooyi oo ay mas'uuliyiin sare ku jiraan ayaa waxay soo saareen War Saxaafadeed ay ku dalbadeen in aqalka sare laga siiyo 33%, taasi oo ka dhigan 18 Xunbood, halka hadda laga siiyay 11 Kursi.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku shiray Muqdishu, ayaa ku baaqay in loo laabto Saami-qeybsigii 1960-kii lagu heshiiyayy kaasi oo ah in Gobollada Waqooyi ay ka helaan dowladda Saddex Meelood meel (1/3).

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM