Maamulka Ceelhuur oo beeniyay in ciidada Itoobiya ka baxayaan degmadaas

Image

CEELBUUR, Somalia- Gudoomiyaha maamulka Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed, ayaa beeniyay Wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ka baxayaan degmadaasi iyo Goobo kale.

Cabdi Xasan oo la hadlay GO, ayaa sheegay inuu jiro dhaq-dhaqaaq ay wadaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmadaasi, balse dhaq dhaqaaqa uu yahay mid ku saleysan isbedel ciidamada lagu sameyn rabo.

"Waxba kama jiraan wararka ku saabsan in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan Ceelbuur iyo degmooyin kale oo Galgaduud ku yaallo, ciidanka Isbedel oo kaliya ayay sameynayaan," Ayuu yiri Gudoomiye Cabdi.

Guddoomiyaha Ceelhuur, ayaa sidoo kale tilmaamay in amniga Degmadaas uu ku tiirsan yahay ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Somalia, sidaasi awgeedna aysan suurtagal aheyn inay xilligan isaga baxaan.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in degmada hadii ay ka baxaan ciidanka Itoobiya ay gacanta u gali karto Al shabaab, maadaama aysan jirin ciidamo xoog leh oo kuwa dowladda katirsan oo hanan karo mas'uuluyada amnigeeda.

Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku hayay Ceelbuur mudo saddex sano ah, waxaana ay dhowrkii biloodba mar ay sameeyaan Isbedel dhanka ciidanka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM