Maamulka Galmudug oo soo bandhigey Maxaabiis laga qabtey Al Shabaab

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO — Maamulka Galmudug, ayaa maanta soo bandhigay maxaabiis Al-Shabaab ah oo ay ku qabteen dagaal dhex maray ciidamada maamulka Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maxaabiistan kusoo bandhigay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qabtay dagaal Galmudug iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bari ee gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka booliska Galmudug, Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, ayaa sheegay in maxaabiistan ay qabteen ay yihiin 22, ayna u badan yihiin dhallinyaro aad u da’ ear, oo uu sheegay in lasoo qalday. Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Galmudug Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed ayaa sheegay in marka laga reebo afar qof, dhammaan dhallinyarada la qabtay ay yihiin kuwo da’dooda ay ka yar tahay labaatan sano.

Wasiirka ayaa dhallinyarada Shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan kooxda, isaga oo u ballan qaaday cafis iyo dhaqan-celin. Weriyaheena Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Gaalkacyo. 

VOA

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM