Maamulka Koonfur Galbeed oo ciidamo u direy Mukhtaar Roobow

Image

BAYDHABO,Somalia- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo u direy gobolka Bakool si ay u taageeraan Mukhtaar Roobow oo ku sugan degaano ka tirsan degmada Xudur.

Talabadaan ayaa timid kadib markii Mukhtaar Roobow iyo maleeshiyaad uu wato khatar ka soo foodsartey ururka Al shabaab. 

Al- Shabaab ayaa ciidamo u soo dirtey degaanada uu ku dhumaaleyato Roobow kadib markii asbuucii la soo dhaafey dowlada Mareykanka ka saartey Liiska argagixisada la raadinayo Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan Abu Mansuur.

Abu Mansuur ayaa muddo khilaaf uga maqnaa ururka Al shabaab isagoo khilaaf uu soo kala dhexgaley hogaamihii dilka lagu diley ee Ahmad Godane.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhoweeyey in Abu Mansuur Dowlada Mareykanka ka saarto Liiska argagixisada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM