​Maamullada Soomaaliya oo Gole is-kaashi samasytay [War-murtiyeed]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya- Shir muddo labo maalmood ah u socday madaxda maamul goboleedyada ayaa maanta lagusoo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 16 qodob.

Hogaamiyaasha maamullada kala ah; Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa mudadii uu kulanku socday ka doodayay, xiriirka dowlad goboleedyada, amniga, siyaasadda, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta.

War-murtiyeedkan ayaa lagu muujiyay sida uu baahiyay [Garowe Online] in maamullada dalka Soomaaliya ay samaysteen gole sannad kasta loo dooranayo Guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana Kalkan laga dhigay Guddoomiyaha Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, halka ku-xigeen loo doortay Maxamed Cabdi Waare oo ah hogaamiyaha maamulka HirShabeelle.

Golahan ayaa la sheegay inuu ka shaqayn doono danaha maamullada oo ay bar-bar socoto dib u heshiisiin bulsho taasoo la xusay in lagu gaari doono deganaan iyo xasilooni dhab ah.

Qoraalka maamullada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda dhexe looga baahanyahay inay la timaado ajande siyaasadeed oo ku salaysan isu soo dhawaansho maadama maamullada ay saldhig u yihiin aas-aaska dowladda dhexe islamarkaana gacanta ku hayaan 90% baaxadda dhulka Soomaaliya.

Khilaafka siyaasadeed ee iminka ka jira dalka ayaa war-murtiyeedkaas lagusoo hadal qaaday, waxayna tilmaameen in dowladda Federaalka looga baahanyahay inay wada-tashi maamullada kala samayso go’aamada masiiriga ah ee taabanaya danahooda, islamarkaana khilaafkaadka ka dhasha tallaabooyinka ay qaado lagu xalliyo sida ay ku jirto maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug ayaa shirkaas lagusoo hadal qaaday iyadoo war-murtiyeedka lagu sheegay in maamulladu isku raaceen in khilaafkaas lagu dhammeeyo wada-hadal islamarkaana farogalinta laga daayo Galmudug oo wixii hadda ka dhex taagan looga dambeeyo hogaankooda. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la dar-dar galiyo wada-hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Maamullada Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hannaanka Federaalka dalka, waxayna tilmaameen in dowladda dhexe ay wado qorshayaal iyo ku talogallo lagu wiiqayo hannaankaas taasoo ay ugu soo horayso qaabka wax qaybsiga khayraadka dalka oo sida ay hadalka u dhigeen ilaa hadda laga hayn fikir midaysan.

Sidoo kale dowlad goboleedyadu waxay hakiyeen dhammaan howlihii ay lawadeen dowladda dhexe gaar ahaan xeerarka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, si fursad loo siiyo in go’aan kama dambays ah laga gaaro qaybsiga kharaadka dalka iyo wadaaga howlaha fulineed ee dowladda dhexe iyo maamullada.

Golaha oo war-murtiyeedkooda uga hadlayay arrimaha doorashada 2020, Kaalmada laga helo Caalamka,  amniga iyo baaqyo ay u jeediyeen dowladda dhexe ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee iminka ka jira dalka uu sabab u noqday inuu wiiqmo dedaaladii ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah, iyagoo sheegay in loo baahanyahay qorshe amni.

GAROWEO ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM