​Madax baaq nabadeed kaga dhawaaqday Cadaado [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta 30 May 2017 shir Jaraa’id oo ay  ku qabteen magaalada Cadaado  waxa ay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay kawadda shaqeeyaan nabada , horumarka, iyo deris wanaaga.

Kahor shirka Jaraa’id mas’uuliyiinta ayaa socod lug ah ku maray wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah,isla dhashay, Deris ah, dhuldaaqsimeed wadaleh, horumar iyo wadda shaqayn buuxda leh, isagoo ugu baaqay inay kawadda qayb qaataan sidii ay u ilaashan lahaayeen danaha iyo nabadda gobolka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo furo waddooyinka kala xiran ee magaalada Gaalkacayo taasoo uu sheegay inay ka dhalan karto Isfahan, wadda shaqayn iyo inay dareemaan nasteexada iyo naruurada ay leedahay is garabsiga dad walaalo ah.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dhuldaaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac  ee had iyo jeer  ka yimaado khilaaf ku ay tahay laga maarmaan in  xal laga gaadho,si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada degaanada daaqsimeedka ah, waxaana  uu sidoo kale madaxweynuhu sheegay  inay tahay muhiim in gobolka Mudug loo sameeyo ciidan isku dhafa oo ka shaqeeya sugida amniga gobolkaasi.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa  baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel nabada iyo  Soomalinimada, isla markaana had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaan horumarka iyo nabada si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walalo ah oo xigaalo ah, isagoo ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaada gobolkooda, taasi oo uu xusay inay kutahay degaanadooda caqabad iyo masiimo aan xal lahayn maadaama ay ku nafwaayayaan muwaadin Soomaliyeed oo muslina.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacayo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqada koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacayo.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ayaa galinkii dambe ee maanta kasoo dagay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli hishiis nabadeed ay kala saxiixdeen madaxda labada dhinac kadib markii Madaxweyne Gaas iyo mas’uuliyiin kale oo maamullada iyo dowladda Federaalka katirsan Cadaado u tageen caleemo-saarka Madaxweyne Xaaf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo qaylo-dhaan kasoo saartey colaada Bariga Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda kasoo koror yay Bariga Dhexe.

  • Soomaliya

    15-04-2024

  • 05:56AM

Soomaaliya: Wasiirada dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dhawaan magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    14-04-2024

  • 11:27AM