Madaxweynaha Hir-shabeelle oo wasiirro magacaabay

Image

JOWHAR, Somalia- Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ugu dhawaaqay Golahiisa Wasiirada cusub, oo noqonaya kuwii ugu horeeyay ee uu yeesho maamulkaasi dhawaan la aas-aasay. 

Golaha Wasiirrada lagu dhawaaqay waxay ka kooban yihiin 25 Wasiir oo 3 kamid ah ay yihiin Haween, sida ku xusan War Saxaafadeedka Cosoble oo nuqul kamid ah Gorowe Online helay. 

Golaha Wasiirrada cusub waxay ka kooban yihiin 52 xubnood, oo isugu jira 23 Wasiir, 23 Wasiir ku xigeen iyo 6 Wasiiru dowle. 

Waxaa ku jiro 3 haween ah, oo hal ay kamid noqotay Wasiirada, Labana ay kasoo muuqdeen ku xigeenada, halka Wasiiru dowlayaasha aanay ku jirin wax dumar ah.

Halkan ka akhriso Liiska magacyada Golaha Wasiirada;

Garoweonline

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM