Madaxweyne Gaas oo ka waramay Safarkiisii Imaaraadka xilli uu Galkacyo kasoo dagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 12 April 2017 kasoo dagay magaalada magaalada Gaalkacayo xarunta gobolka Mudug. Wafdiga Madaxweynaha ayaa kasoo kicitimay Ethiopia.

Mas'uuliyiin katirsan xukuumadda, gobolka iyo bulshada Galkacyo ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkii isaga iyo weftigiisu ay ku tageen Dalka Imaaraadka Carabta uu ahaa mid guul kusoo dhammaaday kadib markii la saxiixay mashruuca dekedda Bosaso, oo uu xusay inay ka qayb qaadan doonto hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

‘’Waxa ay nootahay farxad weyn inaan maanta Dalka ku soo laabano gaar ahaan caasimada gobolka Mudug ee Gaalkacayo, waxaanu mudo todobaada ku maqnayn dalka isutaga Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo aanu iminka Soomarnay, muhiimada aanu ubaxnayna waxay ahayd saxiixii balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso ee 6 April 2017 ka dhacay Magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta, runtii waa mashruuc wax weyn kusoo kordhinaya dalka gaar ahaan kor uqaadista kaaba yaasha dhaqaalaha dalka, ganacsiga,wax soosaarka iyo shaqo abuurista intaba,’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinnaca Kale, Madaxweeynaha ayaa uga mahad naqay  cidwalba oo ka shaqaysay nabadaynta iyo xasilinta maagaalada Gaalkacayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka Mudug inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadoodu.

‘’Farxad ayay nootahay inaan nimaadno gobolka oo nabada gaar ahaan Magaalada, intii shaqadaa qabatayna aad ayaan uga mahad naqayaa uguna bogaadinaya, uguna amaanayaa, waa intaas oo aad kala sii dhowaataan, magaaladani waxay u baahan tahay nabad iyo horumar, colaad iyo xiisadna waa ka soo daleen, cid xiise uqabtaana inay jirto u malayn maayo, waxaan labada dhinacba ugu baaqayaa in ay nabada ka fa’iidaystaan horumarka magaalada laga wada shaqeeyo, dadkaa walaalaha ahina ay ku wada nooladaan nabad gelyo iyo wadajir ayaan rajaynaynaa insha allahu,’’ Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Madaxweyne Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illaahay uga baryey ummadda Somaliyeed inuu ka dulqaado abaarta, madar khayr qabana uu siiyo oo ay kaga raystaan abaarta daba dheeraatay ee ku habsatay mudada dheer.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu maalinta Jimcaha u safro magaalada Muqdishu oo ay shir ku leeyihiin madaxda dowladda goboleedyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM