Madaxweyne Kenyatta: Somalia iyo Kenya waxaa u furmay bog cusub

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya oo shir ku yeeshay shalay magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda labada waddan iyo sidii ay u samayn lahaayeen iskaashi wada-shaqayneed oo ku aadan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa ku hishiiyay in la xalliyo dhammaan caqabadaha dhex-yaalla labada waddan gaar ahaan isu socodka dadweyaha, ganacsiga iyo in iskaashi laga yeesho wax walba oo ay ku jirto maslaxadda dalalkan dariska ah.

Labada Madaxweyne Kenyatta iyo Farmaajo ayaa isku waafaqay in la sameeyo guddi ka shaqeeya furista xuduudaha, fududaynta duulimaadka labada waddan oo noqon doona Muqdishu iyo Nairobi.

“Si khaas ah, waxaan ku hishiinay inaan samayno tallaabooyinkan soo socda; In waqtiga ugu yar uguna macquulsan loo furo xuduudda labada dal gaar ahaa, Doobley- Liboo iyo Mandheera iyo Buula-Xaawo. Iyo in la fududeeyo isu socodka dadka, badeecada iyo adeegyada,”Sidaas waxa yiri Madaxweynaha Kenya.

Wuxuu intaas ku daray in guddi dhinaca ammaanka ah ay ka shaqayn doonaan sidii dhakhso loo badali lahaa duulimaadka diyaaradaha ee mara Wajeer oo laga dhigi doono toos in la isaga goosho Muqdishu iyo Nairobi.

La dagallanka kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo qaaday wada-hadalkaas, waxaana labada Madaxweyne ku hishiiyeen inay sii wadaan qorshaha ka dhanka ah kooxdaas oo ay ku eedeeyeen in si aan kala sooc lahayn u laynayso shacabka labada dal.

Arrimaha Qaxootiga ayay isla soo qaadeen, waxayna Kenya ballan qaaday inay sii caawin doonto dadka Somaliyeed ilaa ay ka helaan dowladda kafaalo qaada baahideeda.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xukuumadda Kenya ku tilmaamay mid kamid ah saaxiibada ugu wanaagsan ee uu leeyahay dalkan ku yaalla Bariga Africa, wuxuuna soo jeediyay in dhakhso loo dar-dargaliyo hishiisyada la galay, isagoo muddo labo Asbuuc ah dalbaday in lagu saxo duulimaadka labada caasumadood.

Iskaashiga labada waddan ayuu sheegay inuusan faa’iidu u lahay muwaadiniinta u dhashay Kenya iyo Somalia, balse ay ku jirto maslaxadda Geeska Africa.

Hishiiskan ayaa yimid xilli muddo saddex bari ah uu Madaxweynaha Somalia ku sugnaan doono magaalada Nairobi, wuxuuna maanta ka qayb galayaa shirka Madaxda IGAD oo looga hadlayo arrimo khuseeya Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM