Madaxweyne Somalia oo mar kale ku baaqay in la Ansixiyo Xukuumadda
MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dalka Somalia, Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ugu baaqay Xildhibaanada Barlamanka Federaalka inay ansixiyaan Xukuumadda, uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Farmaajo ayaa sheegay in marka hore la meelmariyo Gollaha Wasiirrada, fursadna la siiyo lana eego waxqabadkooda, oo dib loo dhigo dhaliilaha jira.
Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo ayaa ugu baaqay Xildhibaanada inay eegaan xaaladda uu hadda ku jiro dalka, oo ah abaar, amni darro iyo dagaallo, u baahan in wax laga qabto.
"Baarlamaanka waxaana ugu baaqayaa inay ansixiyaan Xukuumadda lasoo dhisay, si howlaha dowladda u yaallo loo dardar geliyo, wixii dhaliil iyo isla-xisaabtan ahna dib loogu dhigo Gollaha Wasiirada," Ayuu yiri Farmaajo.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, wuxuuna sheegay in dowladiisu diyaar u tahay sidii weerarada Argagixisada ee lagu dhibaateeyo shacabka wax looga qaban lahaa.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab in ay isku soo dhibaan dowladda Soomaaliya.
Farmaajo ayaa xusay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya shacabkooda in loo diyaarinaayo qaadista duulaamo ka dhan ah deeganada ay maamulaan Shabaab ee ku yaallo Gobolada dalka Soomaaliya.
Baaqa Farmaajo waxa uu kusoo beegmayaa, xilli todobaadkan ay Xildhibaano gaaraya 105, oo uu kamid yahay Gudoomiye Jawaari ay soo gudbiyeen Warqad ay ku diidan yihiin Gollaha Wasiirrada, oo ay sheegeen in dhisamheeda aan loo marin nidaamka awoodda qeybisag 4.5.
Si kastaba, iyadoo ay jirto is-mariwaagan ayaa Ra'iisul Wasaare Kheyre waxaa laga sugayaa in 31-ka Bishan Maarso horgeeyo xukuumaddiisa golaha Barlamanka, si ay codka kaslnooda usiiyaan Xildhibaanadu.
GAROWEONLINE