Mulkilahii shirkada Blackwater oo heshiis la galey Koonfur Galbeed Somalia

Image

Mulkiilihii shirkada Blackwater Erik Prince islamarkaana hadda madax ka ah shirkado isu tagey oo qabta adeegyo kala duwan " Frontier Service Group" taasoo ay ku jiro sugidda amniga, ayaa maalinimadii Khamiista shaacisey 23/06/2017 iney heahiis dhinaca Logistikada, arimaha dulimaadyada, amniga iyo mashaariic horumarineed la galeen mid kamid ah maamulada Somalia. 

Shirkadaan oo ka diwaan gashan Hong Kong ( FSG) ayaa heshiis maalgalin xor ah ( Free Zone Investment) la saxiixatey maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia. 

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo hadal jeediyey munaasabada saxiixa kadib ayaa sheegey in heshiiskaan qayb ka yahay dadaalka ay ugu jiraan sidii maamulkiisa u soo jiidan lahaa maalgalin gudaha iyo dibada dalka. 

Warbixin wakaalada wararka Reuter ka qortey heshiiskaan ayaa lagu sheegey in mashaariic maalgalin ah ka bilaameen dalka Somalia oo kasoo kabanaya dagaladii sokeeye kuwasoo ay fuliyeen dadka Somalida ee dibada kasoo noqdey iyo shirkado Turki ah balse ay ku kooban yihiin magalaada Muqdishu.

"Heshiiskaan ayaa waxa uu diirada saarayaa sidii xal loogu heli lahaa dhaqdhaqaaqa badeecadaha Mara Cirka iyo dhulka islamarkaana loogu heli lahaa amni galintooda" sidaas waxaa yiri qoraal kasoo baxay xafiiska shirkadaas FSG.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qorsheynaya in heshiiskaan uu suurtagliyo in dhul xeebeedka ay maamulaan u helaan maalgalin dhinaca dekadaha, garoonada diyaardaha, guryo degaan iyo maalgashiga dhul- beereedka taasoo kulmin doonta maalgaliyaal caalami iyo Somali ah.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli dhulka baadiyaha ee hoos taga Koonfur Galbeed ay ka taliyaan ururka Al shabaab kuwasoo weeraro gaadmo ah mararka qaarkood ku soo qaada magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas.

Dhinaca kale gobolka Shabeelaha Hoose oo isagu ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa khilaaf u dhexeeya labo beelood kuwasoo aad u hubeysan.

Prince oo madax u ah shirkada FSG, ayaa horey uga tirsanaan jirey ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Seal isagoo sidoo kale aasaase ka ahaa shirkada hore ee la oran jirey  Blackwater taasoo ka howlgali jirtey dalka Ciraaq.

Dhinaca kale heshiiskaan ayaa ku soo beegmaya xilli horey maamulada Somaliland iyo Puntland heshiiyo ula galeen shirkada DP World oo hurumarin ku sameyneysa dakadahooda.

Maamulada Somalia ayaa noqdey kuwo shacabka ku nool u raadinaya maalgalino lagu sameeyo degaanadooda madaama dowlada Federalka noqotey mid ku kooban magalaada Muqdishu.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah degaanada dhibaatada xoogan ku hayso tabar darida dowlada Federaalka ah iyadoo dagaaladii sokeeye kasoo gaareen mushkilado amni daro iyo bur-bur ku yimid kaabayaashooda dhaqalaha halka dhinaca kale  magalaooyinka uu ka tirsan yahay mamaulkaas yihiin kuwa go'doon ah.

Dowlada cusub ee Federalka Somalia ayaan weli soo bandhigin qorshe guud oo wax kaga qabaneyso xaaladaha amni daro iyo dib u dhis la'aan ee kaabayaasha dhaaqlaaha ee dalka Somalia taasoo keentey in maamulada isku tashadaan.

HALKAAN KA AKHRI WARBINTAAN OO ENGLISH AH

GAROWEONLINE +WAKALADAHA

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM