Muxuu salka ku hayaa safarka Farmaajo ee Turkiga?

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah u ambabaxay dalka Turkiga, kadib markii uu casuumaad ka helay Erdogan.

Wasiiro uu kamid yahay midka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaano ayaa ku wehliya Madaxweyne Farmaajo Booqashadiisa dalka Turkiga oo qaadan doonto 3 maalmood.

Madaxaweynaha ayaa kula kulmi doono Ankara dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo ay kawada hadli doonaan xiriirka labad dowladood, amniga iyo taageerada Turkiga ee abaarta ka jirta Somalia.

Muhiimadda ugu weyn ee socdaalkiisa ayaa ah in Labada Madaxweyne kala saxiixdaan hishiiyo kala duwan oo isugu jira maalgashi iyo xiriirka labada dhinac.

Sida uu sheegay wasiir Yuusuf Garaad oo warbaahinta kula hadlayay Muqdishu safarka ka hor Madaxweynaha ayaa dalkaas inta uu joogo qalinka ku duugi doona hishiisyo kala duwan oo isugu jira, kuwo cusub, qaar qabyo ahaa iyo kuwo kale oo laga wada hadli doono.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Turkiga waxa uu noqonayaa midkii 5-aad, oo dalka dibadiisa uu ku aado tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Villa Somalia bishii February.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo uu sidoo kale ka qeybgali doono Shir looga hadlayo arrimaha Beeraha qaarada Africa, oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Turkiga.

Booqashada Farmaajo waxay kusoo aadaysaa 9 maalmood kadib markii Xisbiga talada haya ee Madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay afti ay dadka Turkiga ku siiyeen awoodo dheeraad ah.

Dowladda Turkiga ayaa maalmo kahor shaacisay in 10 Milyan oo Doolar ku kabayso Miisaaniyadda dowladda Federaalka Somalia, ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM