Qaadista Xayiraada hubka oo kamid ah Ajandaha Somalia la tagtey Shirka London

Image

LONDON, UK - Wajiga Labaad, ee Shirka caalamiga ee looga hadlayo arrimaha dalka Somalia, ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmay magaalada London, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay dowladda UK.

Somalia waxay la tagtay Shirka qorshayaal ay ka  mid yihiin dib u dhiska Ciidanka, qaadista xayiraadda hubka, dib usoo celinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Somalia.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe, oo xalay ka hadlay xaflada ay Jaaliyadda UK kusoo dhaweysay, ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan Shirka London iyagoo ku midaysan Danaha Somalia.

Dowladda badan iyo Hay'addo caalami ah ayaa ka qeybgalaya Shirka London, oo ay shir-gudoominayaan Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra'iisaul wasaaraha Ingiriiska Theresa May.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in taageero dheeri la siiyo Somalia, si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, sida amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka.

Shirkan socda waa midkii saddexaad oo noocan ah oo ay dowladaha Beesha Caalamka u qabato Somalia, waxaana labadii shir ee ka horreeyay ka kala dhaceen London iyo Brussels sanadihii 2012 iyo 2013.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM