Qarax ka dhacay Muqdishu [SAWIRRO]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay, afar Askari oo katirsanaa ciidamada NISA way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Ex-control Afgooye, ee magaalada Muqdishu. 

Maxamed Cali, oo ah Sarkaal katirsan Booliska Somalia ayaa u xaqiijiyay Garowe Online qaraxa, isagoo intaasi ku daray in Gaariga uu ahaa mid ay ku raad-joogeen, oo ku qarxay Ex-control xili la baarayay. 

Gaariga oo ahaa nooca NISAN Land cruiser ayaa Saraakiisha Boolisku waxay sheegeen in uu ku lug lahaa dilal ka dhacay dhawaan Muqdishu, islamarkaana ay ciidamadana hayeen xogtiisa.

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa wuxuu ahaa Wadihii Gaariga, oo la sheegay inuu goobta ku nafwaayay, iyadoo uu dhaawac gaarsiiyay Afar Askari, oo kamid ah Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA).

Ciidamada amniga ee Soomaaliya, ayaa durbaba xiray wadada qaraxa kadib, iyagoo goobta ka qaaday burburka gaariga, dhaawacyada Askarta iyo meydka Ninka qarxiyay. 

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerar ka dhacay Ex-control Afgoye, blase Al shabaab ayaa qaraxyada noocan ah looga bartay inay ka fuliso dalka, gaar ahaan magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM