Qaraxii Zoobe oo bedelay Taariikhda Soomaaliya [Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in tirada dhimashada qaraxii Zoobe (14-kii October, 2017) ay gaartey 276, iyadoo dhaawacana uu marayo 300 oo qof. Halkan ka akhriso.

Wasiirka Warfaafinta, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda ay wado gurmad qaran, oo lagu badbaadinayo dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Yariisow ayaa xusay in dowladaha Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ay u balan-qaadeen Soomaaliya inay usoo dirayaan diyaarado sida kaalmooyin caafimaad iyo dhaqaatiir, oo lagu caawinayo dhaawacyada.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale usoo diraysa Muqdisho diyaarad Military, oo wada gargaar caafimaad, iyadoo dhaawacyada Xaaladooda dalka aan wax looga qaban karin u qaadayso Turkiga.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan dadka badan ee shacabka ah lagu laayay, xitaa Al shabaab, oo horey u sheegan jiray qaraxyada ka dhaca dalka.

Dhacdadan waxay noqday midkii ugu khasaaraha badnayd, ee ka dhacda dalka Soomaaliya Taariikhdan casriga.

Dadka ku dhintay waxaa ku jira 5 shaqaale samafal oo katirsanaa Bisha Cas, hal suxufi, iyo Agaasiimihii Wasaaradda Arrimaha gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dowladda Soomaaliya Maxamuud Cilmi.

Wadada Zoobe ayaa xiran maalintii 3-aad, iyadoo wali meydad horleh laga soo saarayo dhismooyinkii ku burburay qaraxa, oo aad u saameeyay goobo ganacsi iyo hotel-ka Safari, oo ku taallay jidkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay shalay 3 maalin oo baroor-diiq qaran ah, iyo calanka oo hoos loo dhigay, si loo xuso dadkii ku dhintay weerarka.

Shalay waxaa aas-wadareed loo sameeyay in ka badan 110 qof, waxaana la filayaa in maanta tiro intaasi ka badan la aaso.

Wararkii ugu dambeeyay ee Warsidaha Garowe Online ka helayo Saraakiisha caafimaadk ayaa sheegaya in tirada dhimashda ay hadda gaartey 300, lagana cabsi qabo inay intaasi kasii badato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM