​Ra'isal wasaaraha Somalia oo madal kula hadlay shacabka Jubbaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay isku-imaatin ballaaran oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Xukuumadda ee ku sugan Kismaayo.

Ka hor Munaasabadda Ra'iisul Wasaaraha ayaa dhagax dhigay labo xarumood oo ku shaqeyn doonaan Wasaaradaha, Beeraha, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha iyo xarun loogu tagalaya in dhalinyaradu ay ku kulmaan.

Munaasabaddan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Daawad ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal dadweyne isaga kala yimid xaafadaha magaalada Kismaayo.

Khayre oo ay weheliyaan, xubno katirsan golahiisa wasiirrada iyo mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland, ayaa shacabkaas kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ururada bulshada Kismaayo, sida Odayaasha, Haweenka iyo dhalinyarada oo munaasabadda hadallo ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey in shirka Golaha Xukuumadda lagu qabto Kismaayo markii ugu horeysay. Waxana ay bogaadiyeen dadaalada Xukuumadda ee ku aadan in xukunka hoos loo daadajiyo, lana xoojiyo shaqada hay’adaha federaalka iyo kuwa gobollada.

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka ay weli gacanta ugu jiraan argagixisada, isla markaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ee mudada badan ay cadowgu dhibaatada ku hayeen loo gurmado, lagana kor qaado cadowga. wuxuna ka codsaday dawladda federaalka inay gacan ku siiso xoreynta dhulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaalkii dadweyne ee ka soo qeyb galay Munaasabadda ayaa tilmaamay in ay madasha ka muuqato midnimo iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed ee degan Jubbaland. Wuxuna hoosta ka xariiqay dawladda dhexe iyo maamullada dalka in ay ku mideysan yihiin ka shaqeynta danta guud, kuligoodna u taliyo shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda.

Mudane Khayre ayaa sheegay in Xukuumad ku eg magaalada Muqdisho aysan ka shaqeyn karin dan guud, waxa kaliya ee maamulka lagu gaarsiin karo dadka oo dhana ay tahay in qof walba oo Soomaaliyeed deegaankiisa loogu gaarsiiyo dawladnimada dareemana inuu hoggaanka dalkiisu ka shaqeynayo waxa isaga dantiisa ah.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wada-shaqeynta iyo wadajirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo maamullada dalka uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa, waxa kaliya ee laga shaqeynaya ay tahay danta guud iyo Soomaaliya sidii loo gaarsiin lahaa isku filnaasho ay kula tar-tami karto caalamka intiisa kale.

Isu imaatinka loo qabtay Xukuumadda Somalia, ayaa kusoo aaday xilli maanta ay ku yeesheen shir magaalada Kismayo, taasoo noqonaysa markii ugu horaysay ee wasiirradda Federaalka kulankooda ku qabsadaan meel ka baxsan Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM