​RW Khayre oo gaarey Magaalada Doxa [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar. 

Khayre ayaa halkaas u tagay ka qayb galka shirka Doxa Forum oo berri ka furmaya Hotelka Sheraton.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha garoonka diyaaradaha Hamad International Air Port, wyxuuna mudane Khayre bartiisa twitter-ka ku soo qoray inuu nabad tagay Doxa.

Khayre ayaa sheegay inuu ka qayb galayo shir muhiim ah oo looga hadlay arrimaha Somalia.

Shirkan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa kalkan ka qayb galaya siyaasiyiin, aqoonyahano iyo madax kala duwan.

Wararka ku saabsan kulankaas ayaa sheegaya in diirada lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin; dhaqaalaha, maalgashiga, amniga iyo qaxootiga.

Waa safarkii u horeeyay ee Ra’iisul Wasaare Khayre uga baxo Somalia tan iyo markii xilkaas loo magacaabay bishii February.

GAROWEONLINE

Related Articles

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM