RW Somalia muxuu ka yeeli karaa cabashada Xildhibaanada?

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa looga fadhiyaa inuu maareeyo cabashada Xildhibaanada dalka dood ka keenay golaha wasiirrada ee dhawaan la magacaabay.

Xildhibaanada oo tiradooda kor u dhaafayso Boqol mudane, ayaa diidan habka loo maray xukuumadda cusub, waxayna RW ka codsadeen inuu dib ugu laabto kahor intuusan horkeenin Xildhibaanada.

Qormadan ayaan ku eegaynaa qaababka uu mari kaoro Ra’isal wasaare Khayre oo muddo 21 casho ah ku qaadatay inuu kusoo dhiso xukuumaddiisa.

Saddex arrimood midkood ayuu yeeli karaa mudane Khayre inuu kusoo maareeyo howlaha horyaalla gaar ahaan cabashada Xildhibaanada.

  1. Mida koowaad, Xasan Cali Khayre ayaa fursad u haysta inuu ku laabto golaha wasiirrada ee dhawaan uu soo magacaabay, maadama Xildhibaanada dooda keenay ay yihiin kuwii Ansixin lahaa.
  2. Tallaabada Labaad ayaa ah in arrinta cabashadu ka jirto uu kala xaalo Xildhibaanada islamarkaana uu ka qanciyo mugdiga jira.
  3. Qorsha ugu dambeeya ayaa ah inuu iska dhago tiro talo soo jeedinta Xildhibaanada Barlamanka Somalia islaamrkaana uu hortago fadhiga Barlamanka isagoo nasiib u heli kara in xukuumaddiisa la diido ama la ogolaado.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Barlamanka Somalia, ayaa GO u sheegay in Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre uu dastuurku fursad u siinayo inuu ku adkaysto mabda’iisa islamarkaana uu qaadan doono natiijada uga soo baxday markuu uu horyimaado Xildhibaanada Somalia.

Maxay tahay arrimaha ay cuskanayaa Xildhibaanada diidan wasiirrada lasoo magacaabay;

Warsidaha GO, ayaa dadaal u galay inuu ogaado qaar kamid ah doodaha ay qabaan Xildhibaanada Barlamanka Somalia, kuwaasoo sabtidii lasoo dhaafay warqad u gudbiyay Xasan Cali Khayre.

Inkastoo mudanayaashu kala aragti duwanyihiin hadana qodobada inta badan ay gundhig uga dhigayaan dooda ayaa ku salaysan;

  • Wada-tashi waafi ah lagama samayn xukuumadda cusub
  • Laguma salayn nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5
  • Maamullada Somalia ayaa qaatay doorkii Xildhibaanada oo keenay wasiirrada cusub
  • Maxaa dumarka loogu badiyay beesha Shanaad
  • Wasiirrada qaybtood aqoon uma laha shaqooyinka loo dhiibay
  • Iyo wasiirrada qaarkood nama matalaan.

Dadka la socda arrimaha siyaasadda Somalia, ayaa go’aanka kasoo baxay Xildhibaanada Somalia, waxay u arkaan caqabad lagu hor istaagayo dadaallada ay wadaan mas’uuliyiinta cusub ee dhawaan qabtay hogaanka dalka.

Bulshada Somaliyeed oo inta badan aan cod ku lahayn siyaasadda iyo go’aan ka gaarista waxyaabaha masiirigi ah ayaa taageeray xubnaha dhawaan lasoo magacaabay kadib xaflado ay ku qabteen dalka iyo dibadda.

Ugu dambayn doodda mudanayaasha ayaa timid xilli Madaxweynaha Somalia uu ku maqanyahay safar dibadda ah islamarkaana khudbad uu dhawaan jeediyay uu ku sheegay in isaga iyo RW dalka aysan matalin qabiil gooni ah islamarkaana ka go’antahay wax u qabashada shacabka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM