Sababaha Madaxweyne Farmaajo Casuumaada ugu direy Madaxda Maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo casumaad u fideyey madaxda maamul goboleedyada habeenkii xalay Halkaan Ka Akhri ayaa wararka soo baxaya sheegayaan iney timid kadib markii cadaadis uga yimid Beesha caalamka kuwasoo sheegey in dagaalka la qorsheynayo in lalo galo kooxaha Al Shabaab lagu guuleysan karin hadii uu sii socda khilaafka hadda taagan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulada Soomaaliya ayaa khilaafkooda cirka isku shareerey kadib markii uu fashilmey qorshe madaxda sare ee dowlada rabtey iney xilka kaga qaado Madaxweynaha maamulka Galmudug kaasoo sababey in warmurtiyeed adag soo saaraan madaxweynayaasha maamulada. Halkaan Ka Akhri 

Arimaha kale oo sababey dib u noqoshada siyaasadeed ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa kulankii odayaal kamid ah beelaha dega maamulka Galmudug la qaateen Gudoomiye-yaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kasoo ay ku sheegeen in madaxda dowlada Federaalka joojiso faragalinta siyaasadeed ay ku hayso arimaha gudaha maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, sababaha kaliftey in Madaxweynaha Soomaaliya casuumaad deg deg ah u fidiyo Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada ayaa waxaa kamid ah kulankii fashilmey ee maalintii shaley Mudane Farmaajo la qaadan lahaa golayaasha Barlamanka Federalka.

Wararka kale ee Garowe Online ka helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya kadib markii wadanka Uganda iyo Ethiopia oo kamid ah wadamada ciidamada nabad ilaallinta Soomaaliya ka joogaan ay shaaciyeen in qaar ka tirsan deegaanaada ay ku sugan yihiin sida Baraawe iyo Halgan ka baxayaan. Halkaan Ka Akhri

Madaxda sare ee dowlada oo arinkaan kala xiriirtey qaar ka tirsan wakiilada beesha caalamka sidii Uganda iyo Ethiopia cadaadis ugu saaraan lahaayeen ineysan ka biixn magaalooyinka Baraawe iyo Halkgan iyadoo lagu jiro xaalada lagula dagaalamayo kooxda Al Shabaab ayaa waxaa wararku sheegayaan iney ku wargaliyeen madaxda sare ee Villa Soomaaliya in Jawiga hadda siyaasdeed ee dalka ka jira u saamaxeen wax-ka-qabshada codsigooda.

Warsidaha Garowe Online ayaa dhinaca kale fahansan in Madaxweynaha Puntland uu la soo hadlay xoghayaha qarmada midoobey kalana hadlay in la xaliyo khilaafka u dhexeeya maamul goboleedyada.

Isbadaladaan siyaasadeed ee dhacey 24-kii  saac ee ugu dambeeyey ayaa khasabtey in Madaxweyne Farmaajo Casuumaad u diro madaxda maamulada in kulan 28 Oct, 2017 isugu yimadaan Muqdisho isagoo dhinaca kale booqasho deg deg ah ugu baxey wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya sida Uganda, Ethiopia iyo dalka Jabuuti.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in waraaqaha caasumaada ah ee loo direy madaxda maamulada Soomaaliya uu qayb ka yahay Madaxweyne Xaaf iyadoo wararku sheegayaan in talabdaan tahay mid madaxda sare ee Soomaaliya ku badaleen siyaasadii ku aadneyd in laga takhaluso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM