Sarkaal katirsan maamulka gobolka Banaadir oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kooxo hubaysan ayaa saaka barqadii ku dilay magaalada Muqdishu, Sarkaal katirsanaa maamulka gobolka Banaadir, oo lagu magacaabi jiray Cabdulle Maxamuud Cali. 

Dilka Sarkaalkan oo ay geysteen Rag bastoolado ku hubaysan, ayaa ka dhacay Isgoyska Sanca, ee degmada Kaaraan.

Labo dhalinyaro ah ayaa ku toogtey Cabdulle xilli uu ku sugnaa Makhaayad ku yaalla Isgoyska Sanca, kadibna goobta ayay ka baxsadeen, sida ay Goobjoogiyaal u xaqiijiyeen Warqabadka Warsidaha Garowe Online ee Muqdishu.

Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdulle wuxuu ahaa Gudoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Kaaraan, mana wadan wax Ilaalo ah xilliga la dilayay. Ciidamada Booliska degmada ayaa goobta gaarey durbadiiba, oo sameeyay Howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda dilka Mas'uulkan, balse kooxda Al shabaab ayaa inta badan ka fulisa Muqdishu iyo magaalooyinka kale ee dalka dilalka beegsiga ah, ee loo geysanayo Shaqaalaha dowladda, Askarta iyo dadka kale oo bulshada muhiimka u ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM