​Shariif Xasan "Rag aan ballan wada galnay ayaa iiga baxay"

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, halkaasoo dadweynaha qaybihiisa kala duwan soo dhaweyn ugu sameeyeen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isu sharaxay Madaxweynaha Somalia, ayaa ka hadlay natiijooyinkii doorashada Barlamanka iyo dadaal uu ku bixiyay in booskaas kusoo baxo ruux kale oo aan kasoo jeedin deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay isagoo hadal kooban warbaahinta siiyay inuu dadaal ku bixiyay sidii kursiga Madaxweynaha ama Ra'ilsa wasaaraha ugusoo bixi lahaayeen dad kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi, balse ay qorshahaas fashiliyeen dad uu xusay inay ballan wada galeen.

“Haddii isku day la sameeyo ama waa la guuleystaa ama waa la guurdareystaa, koleey isku day wanaagsan ayaan sameynay, shacabka reer Koofur Galbeed iyo siyaasiyiintooda waxay qabeen fikrad ah inaan guddoonka Baarlamaanka iska daynaa, laakiin dad badan ayaa balantii ka baxay,”Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynuhu, wuxuu intaas ku daray inaysan ka raja dhigi doonin ku guulaysiga labada kursi ee ugu sareeya hogaanka dowladda Federaalka Somalia.

‘’Waxaan wali aaminsannahay in maalin maalmaha ka mid ah ku guuleysan doonno hogaanka sare ee dalka, maxaa yeellay wax aan leysku dayin lama hello, waxaan rabaa in aan wax ka badal ku sameyno arinta ah in hal qabiil oo kaliya kursiga madaxweynaha u tartamaan,’’ Ayuu yiri hadalkiisa ku daray Shariif Xassan.

Hadalkan ayaa cadaynaya hadalo muddooyinkii dambe la isla dhexmarayay kuwaasoo sheegayay in murashaxnimada Shariif Xasan ku qotonto sidii ay isaga wareejin lahaayeen Guddoonka Barlamanka Somalia oo inta badan ku tartamaan mas'uuliyiin kasoo jeeda beelaha dega gobollada maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM