Somalia: 65 qof oo cudur ugu dhintay gobolka Baay

Image

AWDINLE, Somalia- Ugu yaraan 65 ruux, oo carruur u badan ayaa 48-saac ee lasoo dhaafay cudurka shuban-biyoodka, ugu geeriyooday gobolka Baay deegaano katirsan, sida ay GO u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta degmooyinka gobolka qaybtood.

Cabdullaahi Cumar, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay ayaa xaqiijiyay geerida 65-ta qof oo uu sheegay inay ku dhinteen deegaanno Miyi ah, oo ku yaallo duleedka Baydhobo.

Wuxuu sheegay Cumar inay jiraan tobaneeyo kale oo uu soo ritay xanuunkan kuwaasoo la jiifa xaruumaha caafimaadka ee degmada Awdiinle, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad.

Mas'uulka ayaa Hay'adaha samafalka iyo dowladda Somalia ka codsaday inay gurmad bini'aadanimo gaarsiiyaan dadka u dhimanayo macaluusha iyo shuban-biyoodka ka dhashay Abaarta.

Todobaadkii tagey, 40 qof ayaa ku geeriyooday gobolka Gedo xanuun kan lamid ah, iyo gobolle kale oo kamid ah koonfurta dalka Somalia.

Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaad hore shir-gudoomiyay Kulan ballaaran oo Hay'adaha QM iyo Deeq-bixiyaasha ay ka qeybgaleen, kaasi oo diiradda lagu saarey Abaarta iyo sidii looga hortagi lagaa Macluusha Somalia.

Shirka kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalada masiibo qaran, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dad gaaraya 6.2 Million oo qof.

Saddex sano oo roobabkii la filayay da'in, iyo webiyadii oo gurey oo is-biirsaday ayaa keenay inay dalka ka dillaacdo Abaar, taasi oo hadda QM ka digayso inay isku-bedesho macluul lamid ah tii sanadkii 2011. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM