Somalia: Hoobiyaal lagu garaacay Xaafado ka tirsan Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ugu yaraan shan ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, 7 kalena way ku dhaawacmeen hoobiyaal lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, ee xarunta Somalia.

Mid kamida hoobiyaasha wuxuu ku dhacay Iskuul lagu magacaabo Xasan Qariidi, oo ku yaalla Xaafadda shanta-Geed, ee degmada Howlwadaag, waxaana uu dilay 5 qof oo 4 kamid ah arday ahaayeen.

Gaadiidka Gurmadka deg dega Ambalaaska, ayaa durbaba gaarey goobta hoobiyaasha ay ku dhaceen ee Iskuulka ah, iyagoo daadgureeyay dhaawacyada oo la dhigay Isbitaallada magaalada, si loo daweeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hoobiyaasha laga dhex tuuray isla gudaha Degmada Howlwadaag.

Hoobiyaasha kale waxay ku dhaceen xaafad ku dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia ee degmada Wardhigley, mana lasoo sheegin wax khasaaro ah oo ay dadka gaarsiiyeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, oo noqonaya midkii labaad oo mudo Todobaad ah ka dhacay magaalada Muqdishu, oo mudooyinkii dambe ay kusoo kordhayeen falalka ka dhanka ah amniga.

Maalintii Isniintii lasoo dhaafey ayaa sidan oo kale hoobiyaal loogu garaacay xaafad ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ciidamada amniga ay toogteen kuwii weerarkaasi fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM