​Somalia: Howlgal ka dhan ah Al shabaab oo ka billowday gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Howlgal military oo ka dhan ah Al shabaab ayaa saaka ka billowday gobolka Baay, kaasi oo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo garab ka helaya kuwa dowladda Federaalka.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii malleeshiyada Al shabaab looga saari lahaa deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale iyo isku-furka wadooyinka.

Gudoomiyaha Bardaale Weedow Cali Xasan, ayaa u xaqiijiyay GO in ciidamada huwanta ah ay dileen labo dagaalyahan oo katirsan Al shabaab, kadib markii uu iska hor-imaad ku dhexmaray deegaan 18KM u jira degmada.

Wuxuu intaasi ku daray in ay la wareegeen fariisamo dhowr ah, oo ay ku sugnaayeen Al shabbaab, isagoo intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howlgalka cusub inta laga xaqiijinayo amniga Tuulooyinka u dhaxaysa Baydhabo iyo Bardaale.

Dhanka kale, Al shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay iska caabisay duulaan  ciidamada dowladda iyo kuwa KG kusoo qaadeen saldhigyadooda, waxaana ay beenisay in laga qabsadey deegaanno badan.

Kooxdan ayaa kala xirtay wadooyinka isku xira degmooyinkii laga saarey 2014 ee gobolka Baay, oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa KG oo la socdaan Askarta Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM