Somalia: Kolonyo WFP oo lagu qarxiyay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Hay'adda Barnaamijka Cuntada Adduunka "WFP" ayaa lagu qarxiyay duleedka magaalada Muqdishu, ee caasumadda Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in Qaraxa oo ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo  lala eegtay gaadiid ay la socdeen shaqaale ka tirsan WFP  oo marayey meel u dhow deegaanka KM-13.

WFP ayaa xaqiijisay in shaqaalaheeda uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka, waxaana intaasi ay ku dartay in qaraxa miino uu ka dhacay meel 100 Mitir u jira Kolonyada oo galbinayeen ciidamo gaar ah.

Ugu yaraan Labo Askari oo ku la socday Kolonyada Hay'adda WFP ayaa ku dhaawacmay qarax, kaasi oo mas'uuliyadiisu markii dambe ay sheegatay kooxda Al shabaab, ee xiriirka la leh Ururka Al Qaacida.

Saraakiisha WFP ayaa kasoo laabanayay Kaamamka Barakacayaasha ku nool yihiin, ee duleedka Muqdishu, xilliga weerarka, sida ay Warsidaha GO u sheegeen Mas'uuliyiinta deegaanka Tareedishe (KM-13).

Hay'adaha gargaarka caalamiga, ayaa waxay gurmad u sameeyaan dadka kasoo baracakay abaarta ee ku sugan daafaha Muqdishu, kadib markii Al shabaab ka mamnuucday goobaha ay maamusho ee Koonfurta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM