Somalia: Labo Walaallo ah oo Dil iyo dhaawac loogu geestay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan, ayaa Labo wiil oo walaallo ah dil iyo dhaawac ugu geestay magaalada Muqdishu, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii labaad mudo saacadaho ah.

Falkaan ayaa ka dhacay xaafadda Nasteexo, kadib markii rag batsoolado watey ay rasaas ku fureen wiilasha isla-dhashay oo lagu kala magacaabo Saney Maxamed Wehliye iyo Mustaf Maxamed Wehliye.

Goobjoogayaal ayaa Warsidaha GO u sheegay in dhalinyarada la weeraray ay Aabahood Geerish ugu soo saareen baabuur nooca Raaxad ah.

Mid kamid ah labada wiil ayaa isla goobta ku geeriyoodey, iyadoo midka kale oo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka Madiina, oo hadda lagu daweynayo.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga gobolka Banaadir, ayaa sheegay dableyda falkan gaysatay inay wateen gaari yar oo ay ku baxsadeen, balse lagu raadjoogo.

Aabaha wiilasha la dilay ayaa ah Tagsiile qaadi jiray Odayaashii Xildhibaanada Barlamanka Somalia ee wax kusoo doortey magaalada Jowhar sanadkii tagey.

Sarkaal katirsan NISA ayaa saaka lagu dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana dilkaasi sheegtay Kooxda Al shabaab, oo mudooyinii dambe xoojisay weeraradeeda Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM