Somalia: Maamul goboleed magacaabanaya Ra’isal Wasaare

Image

BAYDHABO, Somalia- Mid kamid ah maamullada ka jira dalka Somalia, ayaa qorshaynaya inuu magacaabo Ra’isal wasaare, xilli arrintan aysan horay uga mid ahayn siyaasadaha kala duwan ee ka jira waddanka.

Maamulka Koonfur Galbeed oo kamid ah dowlad goboleedyada ugu dambeeyay ee dhismay xukuumadda hore ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamud, ayaa shaaciyay inuu dhawaan samaysan doono Ra’isal Wasaare kala fududeeya howlaha xukuumadda.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta ka hadlay xaflad ka dhacday Baydhabo ayaa xusay inuu ku talo jiro magacaabista wasiirka koowaad ee xukuumaddiisa, xilli loo jeedinayay dhaliilo kala duwan iyo dowladiisu noqotay fadhiid.

Shariif Xasan, ayaa xusay in tallaabadan uu qaadi doono ansixinta golaha xukuumadda Somalia kadib.

Ujeedada uu arrintan u cuskaday ayuu ku sheegay inay tahay shaqooyinka oo ku badan Madaxweynaha iyo in loo baahanyahay qof kala haga shaqada wasiirrada maamulkaas.

Dhismaha maamulkaas oo ka duwan kuwa kale ee ka dhisan dalka ayaa waxaa uu leeyahay Barlamanka ka kooban aqal sare iyo aqal hoose kuwasoo kor u dhaafaya Boqol.

Dhinaca mamaulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa madaxweynayashooda waxay magacabaan ku xigeenadooda halka maamulka Puntland madaxweyne ku xigeenka uu doorto Barlamanka mamaulkaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa fariin u diray Barlamanka Federaalka Somalia, wuxuuna ka codsaday inay meel-mariyaan golaha wasiirrada ee uu dhawaan magacaabay Xasan Cali Khayre, si loo dar-dar galiyo howlaha horyaalla dowladda cusub.

Tallaabada Shariif uu ku magacaabayo Ra’isal wasaaraha ayaa ah mid ku cusub maamullada ka jira waddanka Somalia, waxaana arrintan imaanaysan xilli dowladda Federaalka oo maamulkan xubin ka yahay ay leedahay Ra’isal wasaare.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somalia oo ku aadan damaca maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo dhawaan is-qab qabsi xoog leh uu dhexmaray golaha xukuumadda iyo Madaxweyne Shariif kadib markii uu xilalkii ka qaaday qaar kamid ah wasiirradiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM