​Somalia oo dalbatey inay ku biirto Bulshada Bariga Afrika

Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala.

Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga.

Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankaasi, waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika [East African Community], oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM