​Somalia: Qarax Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax weyn, oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay galabta duleedka magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Sida ay GO u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, qaraxa ayaa ka dhacay Bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, waxaana ku geeriyoodey ugu yaraan 5 ruux.

Gaariga Qarxay  oo nuuciisu ahaa kuwa xamuulka qaada (Dhayne), islamarkaana siday Dhuxul, ayaa qarxay kadib markii ay joojiyeen Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontaroolka, kadib markii ay ka shakiyeen.

Jugta Qaraxa waxaa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay, iyo Muqdishu.

Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina, ayaa GO u sheegay in ku dhawaad 10 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan lasoo gaarsiiyay, kuwaasi oo u badan shacab la socday Baabuurta rakaabka ee ka ag-dhawaa barta weerarku ka dhacay.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxan waxay qaarkood saarnaayeen Gawaari BL-ah, halka qaarka kale ay la socdeen Mooto ama Bajaaj, oo isaga kala gooashayay Muqdishu iyo Afgooye.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi, waxayna tilmaameen inay la bartilmaameedsatay Gaadiidka AMISOM oo meesha marayay, islamarkaana ay ku dileen askar badan.

Wali dowladda Federaalka Somalia kama aysan hadlin weerarkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiiskii soo saarista Shidaalka ee Turkiga

Heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay ka caawiso Soomaaliya dhanka wax soo saarka shidaalka.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 06:12PM

Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    27-03-2024

  • 12:11PM