​Somalia: Qarax ka dhacay gobolka Baay

Image

BUURHAKABO, Somalia - Qarax xooggan ayaa kolonyo ay la socdeen ciidamada Eithiopia ee qeybta ka ah AMISOM waxaa lagu eegtay inta u dhaxayso Buurhakabo iyo Baydhobo, oo katirsan gobolka Baay. 

Goob jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa miino lagu aasay wado ku taallo deegaanka Mooda-moode, taasi oo isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo. 

Kolonyada AMISOM oo sahay military u wadeen ciidamo ku sugan saldhigyada ku yaallo degmada Buurhakabo, ayaa la sheegay in khasaaro uu kaso gaarey qaraxa miino, ee lagula eegtay Mooda-moode. 

Al shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sheegtay in weerarka miino ay ku dileen saddex Askari oo katirsanaa AMISOM, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Kooxda. 

Ma jirto illo madaxbanaan oo xaqiijisay khasaaraha qaraxa saakay ka dhacay deegaanka Mooda-moode.

AMISOM iyo Saraakiisha maamulka gobolka Baay walii wax fahfaahin ah kama aysan bixin weerarka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM