Somalia: ​Turkish Airline oo Muqdishu tagtay

Image

MUQDISHU- Diyaaradda Turkis Airline, ayaa maanta caga dhigatay garoonka diyaaradaha magalada Muqdishu kadib muddo todobaad ah oo aysan tagin, wixii kadambeeyay markii la qarxiyay diyaaradda dulimaadka ee Daalo. 

Safarka ay ku tagtay diyaaraddan magalada Muqdishu xarunta Somalia ayaa lagu magcneeyay inaysan ahayn safaradii caadiga ahaa, balse wadday xamuul ay leeyihiin Turkida joogta caasumadda Somalia. 

Sababaha loo hakiyay duulimaadyada diyaaradaasi, ayaa lagu sheegay inay tahay cimilada magalada Xamar oo xumayd  islamarkaana ka dhacayeen dabaylo, balse dadka qaybtiis ayaa ku fasiray xaalad amni darro, maadama dhawaan la qarxiyay diyaarad waday rakaab oo kusoctay magalada Jabuti, falkaasi oo sheegatay ururka Al-Shabaab.

Balse, arrinta dowladda Somalia, ayaa ka hadashay iyagoo tilmaamay inaysan waxba ka badali doonin duulimaadyadii imaan jiray madaarka Aadan Cadde, waxayna sheegeen in lagu soo kordhiyay habab cusub oo wax loo baarayo, waxaana waxyaabaha baaritaanka ka qayb qaadanaya ku jira Eey. 

Tan iyo wixii kadambeeyay qaraxa diyaaradda Daalo, waxaa madaarka Aadan Cadde kasocday baaritaanno xooggan iyadoo si siman loo baarayay mas'uuliyiinta dowladda iyo shacabka garoonka imaanaya islamarkaana ka dhoofaya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM