Soomaaliya: Rag dilay Oday dhaqameed oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof, oo looga shakisan yahay inay dileen mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in raggan oo gaaraya saddex, ay ku qabteen howlgal gaar ah, oo ka dhacay magaalada, iyagoo wata gaari uu lahaa marxuum Cabdi Nuunow, oo habeenkii Isniinka lagu dilay duleedka Muqdisho.

Allah ha u naxariistee marxuum Cabdi Nuunow, waxaa toogtay rag hubaysan, oo u galay wadada isagoo marayay Deegaanka Xaawo Cabdi, kana yimid magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada lasooo qabtey ayaa watey Gaari Odayga la dilay, oo nooca SPACIO, kaasi oo hadda ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab oo inta badan beegsata Odayaashii soo xulay Xildhibaanada, ayaa looga shakisan yahay inay ka dambaysay dilka Cabdi Nuunow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM