​Taariikhda Madaxweynaha cusub ee Somalia Mudane Farmaajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaarihii hore dalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay Madaxweynaha Somalia kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdishu oo ay ku tartameen in kabadan 20 mudane, kuwaasoo uu ku jiray Madaxweynaha talada dalka hayay Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaarihiisii Cumar Cabdirashiid.

Tariikhdiisa Nololeed

March, 1962-dii ayuu Madaxweynaha Cusub Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhashay magaalada Muqdishu, iyadoo isla caasumadda ku qaatay Waxbarashadiisa Dugsiga hoose, dhexe iyo sare intii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981.

1981, Mudane Farmaajo wuxuu kasoo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, oo uu qabiilsanaa waaxda lacagta, Maamulka iyo Keydka.

1982 -1985, Farmaajo wuxuu aaday Mareykanka, isagoo mudo 3 sano noqday Xoghayaha kowaad, ee Safaarada Somalia ee dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Washington DC.

1993, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu u wareegay magaalada Buffalo, halkaasi oo uu ugu biiray Jaamacada State University of New York, taasi oo Shahaadada Heerka kowaad ka qaatay Taariikhda.

1997 - 2000, ayuu Shahaadada Master-ka ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo.

Farmaajo waa Aabe dhalay 4 caruur ah ( 2 Wiil & 2 Gabdhood) , waxaa u dhaxday Marwo Seynab Maclin.

Shaqooyinkiisa;

1994, Farmaajo wuxuu xubin kasoo noqday Golaha Dhexe, ee Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka.

1994 - 1997, wuxuu noqday Madaxa waaxda Arrimaha Guryaha maamulka magaalada Buffalo.

2000, Mudane Farmaajo wuxuu noqday Xiriiriyaha arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay degmada Erie ee gobolka New York.

2000, wuxuu xubin kasoo noqday Golaha Dhexe ee Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka.

2002, Xiriiriyaha arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirade badan yahay New York.

2010, mudo 8 Bilood ah wuxuu soo noqday Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadii KMG ahayd, ee dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo iska-casilay Cadaadis kadib.

2005, dib ayuu ugu laabtay Mareykanka Farmaajo wuxuuna Macalin/Bare ka noqday waxaa uu Erie College oo ku yaalla Buffalo, halkaasi oo uu ka dhigay Hogaanka iyo Xalinta Khilaafaadka.

February 8, 2017, Mudane Farmaajo wuxuu noqday Madaxweynaha 9-aad ee Somalia.

Farmaajo ayaa soo caan-baxay markii Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed u magacaabay Ra'isal wasaare isagoo muddo kooban wax ka qabtay Amniga iyo dhismaha hay'adaha dowladda.

Arrimaha sida gaarka ah loogu xasuusta ayaa ah in 50 maalmood ee shaqadiisa ugu horaysay uu meel saaray xuquuqda ciidamada, halka boqolkiiba Lixdan kooxda Al Shabaab ka saareen magaalada Muqdishu.

Afarta Sano ee soo socota ayuu hogaamin doonaa dalka Somalia hadii Alle idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM