​Taliska ciidamada Somalia oo ka hadlay weerarkii Buula Gaaduud

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha ciidamada Xoogga dalka qeybta 43-aad General Ismaaciil Saxardiid ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal saaka dhexe maray mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab, ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Buulo Gaduud oo 30KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, ayaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saxardiid ayaa xusay in kooxda Shabaab ay weerar kusoo qaaday xero ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Jubbaland, balse khasaaro xooggan ay kasoo gaartey ururkaas islamarkaana ay ka dileen ilaa 20 maleeshiyaad ah kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Janaraal Ismaaciil Saxadiir ayaa intaas ku daray in dhankooda uu jiro qasaare aan sidaasi u badnayn, maadaama ay ciidamadu ka war hayeen qorshaha maleeshiyaadkaas, lagana hortagay kahor inta aysan xerada gudaha u galin.

Taliyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Shabaab ay xeradaasi ka kaxeysteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu leeyihiin.

“Abaaro 5:10 daqiiqo ee arroornimadii ayay weerar ku soo qaadeen xeradaasi, dagaal adag ayaa meesha ka dhacay, waxay ku soo weerareen qarax, Ciidamada ayaana gaarigii qarxiyay fashiliyay, " ayuu yiri Saxardiid oo intaas ku daray, "Ma uusan gaarin meeshii ay ugu talagaleen,Khasaare ayaa jira labada dhinac."

Wuxuu intaas ku daray in Buulo Gaduud ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga dalka Somalia iyo kuwa Jubbaland, "Hadda deegaankaasi waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka,ilaa 20 maleeshiyo ah  ayaa kaga dhintay Al Shabaab.” Ayuu yiri Jen. Saxardiid.

Hase yeeshee ururka Alshababa ayaa sheegay inay dagaalkaa ku dileen in ka badan 20 askari, isla markaana ay hub iyo gaadiid ay ka kaxeysteen saldhigaas.

Goor sii horaysay Sarkaal sare oo katirsan laamaha ammaanka Jubbaland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegay in kooxdaas ay goobta ku dishay 22 kamid ah ciidamada dowladda Jubbaland islamarkaana ay kaxaysteen baabuur xamuul iyo kuwo dagaal.

Xaaladda deegaanka ayaa caawa dagan, waxaana gacanta ku haya ciidamada dowladda Somalia, inkastoo maanta ay yimaadeen gurmadyo kasoo kicitimay magaalada Kismayo.

Deegaankan ayaa horay waxaa dagaal looga saaray kooxda Al Shabaab, kadib dullaan xoogan oo ay gobolka kusoo qaadeen ciidamada Jubbaland oo garabsanaya, kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM