Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Juxa oo Cadaado gaaray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Cadaado xarunta KMG ah ee Galmudug.

Mas’uuliyiintan ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo la filayo in maalinta barri ah soo gaaray Cadaado kaasoo uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo si ay uga qayb galaan Caleemo Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan magaalada Cadaado.

Kulan ayay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada iyadoo la filayo inay kawada hadlaan qaban qaabada caleemo saarka iyo xaaladda guud ee Galmudug.

Maaha markii ugu horaysay Wasiir Juxa uu tago magaalada Cadaado, balse dhawaan wuxuu booqday isagoo raadinaya in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM