Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga gaaray

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba-baxay dalka Sacuudiga gaar magaalada Riyaad. 

Safarka waxaa mudane Farmaajo ku wehelinaya qaar kamid ah wasiirrada waqtigoodu dhammaaday, Xildhibaano iyo taliyaha ciidanka Booliiska dalka. 

Waxay goor-dhaweyd ka dageen xarunta Boqortooyada dalka Sacuudiga, iyagoo la kulmi dooona Boqor Salmaanka dalkaas oo casuumaad u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia. 

Madaxda labada dal ayaa kawada hadli doona arrimo ay kamid ah tahay, abaaraha, nabad-galyada iyo kor u qaadista xiriirka labada waddan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu tago Xaramka si uu ugu soo Cumraysto islamarkaana shacabka Somaliyeed ugu soo duceeyo. 

"Waxaan si nabad ah ku tagnay Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyaad, waxaan kulamo kaladuwan la qaadan doonaa mas'uuliyiin sar sare oo katirsan Boqortooyada Sacuudiga,"Sidaas waxaa GO u sheegay ruux kamid ah wafdiga Madaxweynaha Somalia. 

Waa safarkii ugu horeeyay Madaxweyne Farmaajo dalka uga baxo tan iyo markii la doortay horraantii bishan.

 GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM