Warar dheeraad ah: Dhalinyarada Soomaalida ee loo qaadayo dalka Qadar

Image

GAROWE, Puntland- Warsidaha Garowe Online oo daabacyey maalmihii ugu dambeeyey warar la xiriira dhalinyaro Soomaali ah ee loo daad gureyno dalka Qadar ayaa heley warar dheeraad ah ee la xiriira sida uu ku yimid barnaamijkaan iyo ku xirnaashihiisa khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka. Halka Ka Akhriso 

Magaalooyinka Garowe iyo Muqdisho ayaa asbuucaan gudihiisa waxaa ka socdey barnaamijyo looga soo ururinayo maamulada kala duwan ee Soomaaliya dad dhalinyaro u badan aan dumar ku jirin kuwasoo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga iyo shahaadooyin caafimaad.

Dhalinyardan qaar ka tirsan oo diidey magacyadooda in aan xusno ayaa GO u sheegey in loo wado dalka Qadar halkaasoo qaarkood yiraahdeen in waxbarasho u aadayaan Doha, halka kuwa kalena xusayaan in noqonayaan Askar ka tirsan ciidamada dalka Qadar.

Halkee ka soo billowdey barnaamijkan?

Warsidaha Garowe Online oo baaris ku sameeyey, ayaa ogaadey in barnaamijkan ay dowlada Qadar kala xiriirtey jaaliyada Soomaalida ee ku nool wadankaas, iyagoo u sheegey in madaxdoodu go'aan ku gaartey in shacabka Soomaalida abaalgud la siiyo maadaama dowladoodu taageertey Doha khilaafkii Khaliijka, iyadoo loogu deeqey in 3,000 (Saddex Kun) oo qof oo dhaliyaro ah shaqooyin kale duwan ka qabtaan dalkaas.

Dadka la kulmay saraakiil ka socota dalka Qadar oo gaarayey 30 qof ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey u qaybsanaa sadex qabiil ( Darood, Hawiye iyo Isaaq) kuwasoo la sheegey in jaaliyadahoodu ugu badan yihiin dalkaas.

Xogtaan ayaa sheegeysa in dadkaan la kulmay dowlada Qadar in dhalinyaradan u qaybsadeen, in Beeshiiba ay qaadato (Hawiye, Darood iyo isaaq) 1,000 (Kun) dhalinyaro ah, balse is-qabqabsi dambe kala kulmeen qabaa'ilo kale ee Soomaali ah kuwasoo markii dambe ku heshiisyey inay ku qeybsadaan nidaamkii 4.5.

Hab qaybsiga Beelaha ee Barnaamijkan.

Darood 750 dhalinyaro ah, Hawiye 650 qof, 700 Isaaq/Dir halka beelaha kale ee Soomaalida ah qaybsadeen 950 qof oo kale.

Qaybsigan ayaa sida Garowe Online loo sheegey ku saleysnaa qaabka Jaaliyada Soomaalida Beelaheeda ugu kala badan yihiin dalka Qadar.

Maamul goboleedka Puntland ayaa wararku sheegayaan in qaybtaan beelaha daga ka heleen 250 dhalinyaro (Harti) halka qabaa'ilka Awrtable iyo Lelkase ka helayaan tiro dhalinyaro ah wadar guud ahaan la isku siiyey beelaha (Mareexaan, Leelkase iyo Awrtable) taasoo gaareysa 240 qof.

Dhinaca kale beelaha Absame ayaa qaybtaan ka qaatey 240 qof halka beesha Gari Koombe la siiyey 20 xubnood.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada Qadar oo siyaasad caayaareysa ka leexisay qorshahaan dowlada Federaalka iney si toos ah ugu lug yeelato iyadoo la rumeysan yahay in saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya xiriir dhow la leeyihiin wadankaas iyadoo qayabaha kala duwan ee Jaaliyada wadankaas loo sheegey in dhalinyaradaan la siin doono mushahar gaaraya 4,000 (Afar Kun) dollar bishii.

Dhinaca kale, Jaaliyada Qadar ayaa loo sheegey in dhalinyaradan da'doodu u dhexyso 16-28 islamarkaana yihiin Rag iyadoo la doonayo in caafimaadkoodu wanaagsan yahay halka kale laga rabo in xirfado shaqo lahaadaan 

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada howlaha dhalinyardan loogu daadgureynayo dalka Qadar ka socoto magaalooyinka ay maamulaan ayaan weli ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM