Wasiirka Dastuurka Somalia oo shir ku qabtay magaalada Baydhabo [Sawirro]

Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay bulshada rayidka ee Koonfur Galbeed, kaaso ku saabsanaa in dadka ay ra’yigooda ka dhiibtaan qoraalka qabyada ah ee Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda gacanta ku hayso.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Arrimaha Dastuurka KG Cabduqaadir Nuur Caraale, iyo masuuliyiin kale oo katirsan dawlad goboleedka KG.

Wasiir Xoosh oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in talada bulshada rayidka ee KG ay muhiim u tahay diyaarinta Qorshaha Guud ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Maanta waxaa sharaf inoo ah in kulamadii wadatashiga mid kamid ah aan ku qabano Baydhabo, waxa aan idinkaga baahannahay in aad taladiina ku darsataan qabyo qoraalka Qorshaha Guud ee haannaanka dib-u-eegusta Dastuurka ee aan diyaarinayno,” Ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa talooyin badan u soo gudbiyay Wasaaradda iyaga oo ku dhiirageliyay in ay sii wadaan kulamada ceynkan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Guud uu weli yahay qabyo uuna rasmi noqon doono marka laga tala geliyo dhamaan dawlad goboleedyada kadibna lagu ansixiyo shirweynaha Qaran ee Dastuurka ee bisha soo socota ka dhici doona Muqdisho ayna ka qaybgeli doonaan madaxda sare ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya shirar is-daba socday oo muddooyinkan wasiirka Dastuurka Somalia uu ku qabtay magaalooyinka Garowe iyo Muqdishu, kuwaasoo lagu raadinayo in isbadal lagu sameeyo Dastuurka Somalia.

Barlamanka Somalia, ayaa horay u magacaabay Guddiyo ka imaanaya Aqallada Wakiillada iyo Senet-ka kuwaasoo loo igmada arrinta uu hadda hayo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo horay loogu eedeeyay inuu farogalin ku sameeyay qodobo kamid ah Dastuurka KMG ah ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM