Wasiirrada Somalia "In kabadan 31 kun ayaa cudurka Daacuunka iyo Shuban-biyoodka la daalaa dhacaysa"

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.

Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel wanaagsan marayo.

Wasaarada Maaliyada ayaa ka warbixisay xaalada Maamulka & Maareynta Maaliyada iyo qorshaha mideynta dakhliyada hay’adaha kala duwan oo dhammaan lagu ballamay in khasnada dowladda lagu soo shubo.

Wasiiru Dowlaha Maaliyada ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan raashinka ciidanka, mushaarka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada gurmadka gargaarka oo ay sheegtay in iskudubaridka iyo xiriirka uu si fiican u socdo. Wasiirada ayaa sheegtay inay qorsheynayaan bisha Ramadaan inay gargaar gaarsiiyaan qoysas gaaraya 100,000.

Wasiirka Caafimaadka ayaa isaguna kawaramay xaaladda shuban-biyoodka iyo Daacuunka oo ay sheegtay in dad gaaraya 31,764 ay cudaradan la daalaadhacayaan iyadoo xarumo ku yaalla 50 degmo lagu dabiibayo.

Illaa iyo hadda waxaa la soo sheegay in 618 qof ay u dhinteen cuduradan, iyadoo ay socoto dadaal tallaal ah oo 450,000 oo qof la tallaalay.

Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyey dhaqangelinta barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka oo uu sheegay muhiimada dhammaan hay’adaha dowladda inay qorshahooda ku saleeyaan Qorshahan Horumarinta Qaranka.

Hay’adaha Caalamka iyo Dowladaha taageera Soomaaliya hadda ka dib waa in kaalmadooda ay ku soo saleeyaan Qorshahan iyadoo Dowladda Federaalku ay saxiixi doonto dhammaan kaalmada caalamiga ah ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE


Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM