​Xasan Sheekh oo abaarta kajirta Somalia kala shiray Safiirro Carbeed

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa kulan looga hadlayay sidii looga qeyb-geli lahaa gurmadka abaaraha la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha dalka.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa joogay, safiirrada dalalka Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha, waxaana diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa wax-qabad loo sameeyo dadka iyo duunyada abaaruhu halakeeyeen.

Safiirrada Carbeed ee shirka Joogay, ayaa ballan qaaday inay kasoo jawaabi doonaan codsiga loo gudbiyay, waxayna baaq u direen hay'adaha samafalka ee ka howlgala dalalkooda iyagoo xusay in xaaladda abaareed ee Somalia tahay mid halis ah.

Guddiga Abaaraha Qaran ee Somalia, ayaa madasha ka cadeeyay inaysan awoodin wax ka qabashada dhibaatada ka jirta dalka Somalia, waxayna codsadeen kaalmo buuxda oo beesha caalamka ka timaada si wax loo gaarsiiyo dadka dhibaataysan ee ku sugan Gobollada Somalia.

Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Somalia u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha, isagoo dadka Somaliyeed ee wax heysta ugu baaqay inay u gurmadaan deegaannada dadka naflayda kale ee kusugan gobollada dalka.

"Dowladda Somalia, waxay diyaarisay qorshe ku aadan abaaraha iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha kasii daraya ee dalka ka jira, runtii dad iyo duunyaba waa ugu dhinteen gobollada Somalia,"Ayuu yiri Xasan sheekh oo kulankaas ka hadlayay.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in abaarta ba’an ee ka jirta Somalia ay halis ku heyeso nolosha dad ku dhow saddex malyuun oo qof, guud ahaanna ay saameysay shan malyuun oo qof.

Shalay ayey ahayd markii hay’adaha QM ay dalbadeen lacag ku dhow sagaal boqol oo milyan oo dollar oo wax loogu qabanayo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira waddanka dhaca Geeska Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM