XOG: Ra'isal wasaare Khayre oo kala kulmay New York diyaargarow la'aan

Image

GAROWE- Ra'isal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo wadanka Mareynkan u jooga kulanka guud ee wadamada xubnaha ka ah Qaramada ku leeyihiin New York ayaa wararka soo gaaraya warqabadkaan waxay sheegayaan iney hareysay khibrad la’aanta Wasiirka arimaha dibada iyo saraakiisha kale ee ka howlagasha xaruntaas.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Ra'isal wasaare Khayre balamada uu la lahaa madaxda wadamadaan ay ka muuqatey is- dhexyaac farabadan iyo khibrad la’aan iyadoo sababtey in wadanka Sweden looga yeero safiir horey ku xigeen ugu ahaa wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya.

Cawaale Cali Kulane oo ku magacaabin wakiilka dowlada Somaliya u fadhiya dalalka Scandinavia horeyna u ahaa ku xigeenka Wakiilka Qaramada u fadhiyey dalka Somaliya ayaa sida ka muuqata kulamada Ra’isal wasaraaha u fahdiya inuu caawino howlwadeenada Wasaarada arimaha dibada ee ku sugan dalka Mareykanka.

Abuukar Maxamed Cismaan (Abuukar Baalle) oo horey u ahaa agaasimaha Villa Somaliya kasoo lagu badalayo Fahad Yasiin ayaa lagu qanciyey in loo magacabo Wakiilka Qaramada Midoobey dalka Somaliya iyadoo wararku xusayaan inuusan horey uga soo shaqeyn howshaan.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada Somaliya oo warbixino badan ee la xiriira madaxda uu la kulmay iyo kuwa aggaarkiisa fadhiya kaga hadla bogiisa Facebook ayaa waxaa aad loogu dhaliila inuusan khibrad u laheyn shaqada uu u hayo Wasaarada arimaha dibada ee Somaliya.

Dowladahii Somaliya isaga dambeeyey madaxdooda ayaa waxaa lagu eedeeyaa in xilalka muhiimka u ah sumcada dalka u magcaabaan dad aan khibrad u laheyn kuwaasoo marka doorto fuliya balamo ay horey u soo galeen.

Ra’isal wasaaraha dalka Somaliya oo la filayo in khudbadii uu Madaxweyne Farmaajo ku lahaa kulanka Qaramada Midoobey akhriyo 22 September,2017 ayaa booqasho ku tagi doona magalaada Washignton halkaasoo kula kulmayo qaar ka tirsan madaxda Hay’daha wadanka Somaliya ka tageera kobcinta dhaqaalaha.

Wasiirka Kowaad ayaa dhinaca kale ka baaqsadey in uusan wax kulan ah la qaadan Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka iyadoo ay jiraan warar sheegaya iney jiraan mudaharaadyo ay qaban qaabiyeen dad diidan wareejintii Qalbi-Dhagax.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM