​Barlamanka Somaliland oo ansixiyay hishiiska Saldhigga Berbera

Image

HARGAYSA, Somaliland- Labada gole ee Barlamanka maamulka Somaliland ayaa ansixiyay hishiiska u dhexmaray xukuumadda iyo dowladda Imaaraadka ee dhigayay in saldhig milateri dalkaasi ka samaynto magaalada xeebeedka Berbera ee gobolka Saaxil.

Kulan ay soo xaadireen 147 mudane oo katirsan golaha Guurtida iyo Wakiillada islaamrkaana uu horyimida Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa lagu ansixiyay hishiiskaas, inkastoo uu hareeyay buuq iyo sawaxan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa kahor ansixinta hishiiska jeediyay khudbad uu uga hadlayay barnaamijkan, wuxuuna tilmaamay inuusan caqabad ku noqon karin madaxbanaanimada maamulkaas iyo hormarkiisa.

Siilaanyo ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Somalia, Mudane Farmaajo, wuxuuna alle uga baryay inuu  xilkaas ku fashilin, isagoo docda kale tilmaamay in waxyaabaha labada dhinac ka dhaxeeya lagu dhammeeyo wada-hadal.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu uga digay Madaxweynaha cusub inuu soo faro-galiyo madax-banaanida Somaliland.

Khudbadaas kadib ayaa Axmed Maxamed Siilaanyo isaga baxay hoolka inkastoo ay joogeen qaar kamid ah golaha wasiirrada, balse markii ay isku dayeen inay sharaxaad ka bixiyaan hishiiskan, waxaa ku buuqay qaar kamid ah mudanayaasha qorshahan diidan.

Guddoomiye ku-xigeenka Wakiillada Somaliland, ayaa amray in goobta laga saaro ku dhawaan 5 mudane oo u arkayay inay caqabad ku yihiin hishiiskan ansixintiisa, kuwaasoo saddex kamid ah xabsiga la dhigay inkastoo markii dambe lasoo dayay.

Balse Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhiga maanta joogay, ayaa goobta isaga baxay markii Xildhibaanadaas laga saaray hoolka, isagoo ajandaha xukuumaddu soo gudbisay ku tilmaamay Xaashiyo Af-Somali ku qoran oo aan hishiis lagu tilmaami karin.

Sidoo kale, wuxuu arrin sharciga kasoo horjeeda ku tilmaamay in la jir-dilo Xildhibaano xasaanad leh oo gudanaya waajibaadkooda.

Ugu dambayn hishiiskaas waxa u codeeyay inuu meel-maro 144 mudane, waxaa diiday 2 Xildhibaan.

Hadal haynta hishiiskan ayaa muddo ka taagnaa deegaanada Somaliland, waxaana ku kala qaybsamay axsaabta siyaasadda, Xildhibaanada iyo golaha xukuumadd qaar kamid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM