​Cabsi soo wajahday Oromada ku nool Hargaysa

Image

HARGAYSA, Somaliland- Tan iyo markii shacab Soomaaliyeed oo qaybtood kasoo jeedeen deegaanada Somaliland lagu laayay deegaanka Haawadaay, waxaa sare u kacaysay barakaca iyo cabsida ay qabaan dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee ku sugan gudaha Somaliland.

Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkaas oo qaybtood ganacsiyo yar yar ku haystaan magaalada Hargaysa, waxaa jira weeraro lagusoo qaado xilliyada habeenkii.

Farxiya Ibraahin Ismaaciil oo ah Hooyo haysata saddex Carruur ah  islamarkaana katimaaday magaalada Harar, waxay sheegtay in koox dhalin yaro ah weerar kusoo qaadeen gurigeeda xilli uu maqnaa saygeeda.

“Xalay albaabka ayaa nala kusoo garaacay, waxaa nasoo weeraray dhalinyaro, jaarka ayaa naga celiyay ninkaygu wuu maqnaa, dadka deriska ah ayaa na bad-baadiyay,” Ayay tiri Farxiya oo ku sugan Hargaysa.

Dhinaca kale, waxaa jira qoysas badan oo ka guuray guryahii ay daganaayeen islamarkaana maciin biday goobo kale, halka qaybtood ay ku laabteen deegaanadii ay kasoo jeedeen.

“Gurigaygii war uma hayo, waan soo baqay markii ay bilaabatay rabshadan oo aan arkay Oromo la shiidayo, la dilay, carruurta ayaan halkan ku hayaa, war uma hayo Gurigaygii.” Ayay tiri hooyo kamid ah dadka dhibaatadu saamaysay.

Maxamed Jamaal oo isaguna haysta meherad lagu iibiyo Saanbuuska, ayaa telefishina HCTV u sheegay inuu ka walaacsanyahay xaaladdan isbadashay, isagoo tilmaamay inaysan dhibaatayn dowladdu, balse ay ka walwalsanyihiin shacabka.

“Cabsi weyn baa jirta, inan aan saaxiib nahay ayaa meheradiisa la jajabiyay, Cayaal xaafadka iyo shacabka ayaan ka cabsi qabnaa, dowladdeena waa caadi,” Ayuu yiri Jamal oo ku ganacsada xaaladda Kilalka ee magaalada Hargaysa.

Dadkan ayaa sidoo kale diray baaqyo nabadeed iyagoo sheegay in bini-aadamka khalad ka dhex dhaco, balse aysan iyagu raali ka ahayn wixii meeshaas ka dhacay, waxayna Qowmiyadooda u direen fariin ah inaysan dhibaatayn Soomaalida kale ee ku sugan goobahooda.

“Dayax mugdi laga maayo, wixii dhacay raali galin ayaan ka bixinaynaa, dad islaam ah baynu nahay, khaladka intaas ha lagu joojiyo, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Oromada inaysan layn Soomaalida, waayo ma bannaana waa Xaaraan,” Ayuu yiri mid kamid ah shacabka kasoo jeeda Ethiopia gaar ahaan Qowmiyaddaas oo ku sugan Hargaysa.

Sidoo kale dowladda Somaliland ayaa wada dedaalo ku aadan sidii loo nabad gelin lahaa Qowmiyadaas islamarkaana looga hortagi lahaa falalka amni darro ee ka dhici kara deegaanada maamulkaas, xilli dhawaan labo qof oo Oromo ah lagu dilay duleedka magaalada Caasumadda ah ee Hargaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM