​Ciidamada Somaliland oo xiray Abwaano iyo Wariye

Image

HARGAYSA, Somaliland- Laamaha amniga magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa xabsiga dhigay Wariye Cabdimalik Muuse Coldoon kadib safar uu ku tagay Muqdishu.

Coldoon ayaa la xiray maanta xilli uu kasoo dagay gaaroonka diyaaradah Cigaal.

Lama garanayo sababta loo xiray, balse xiriiro aan la samaynay talisyada arrintan khusayso waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan iyagoo xusay in baaritaan lagu hayo.

Balse waxaa la rumaysanyahay in tallaabadan loo aanaynayo qoraalo uu ku baahiyay baraha bulshada oo ku saabsanayaa doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wariye Coldoon ayaa Muqdishu tagay kahor doorashadii qabsoontay 08 February 2017 isagoo soo dhaweeyay guusha Farmaajo ka gaaray loollankaas.

Waxaa socda dedaallo ku aadan sidii loo soo dayn lahaa wariyahan oo kamid ah kuwa ugu caansan Somalia ee inta badan ka shaqeeya caawinta bulshada.

Somaliland ayaa sidaan oo kale mar hore u xirtay Wariyahan kadib markii uu sameeyay Riwayad ay u arkeen inay liddi ku tahay siyaasadooda.

Dhinaca kale warar aan ka helayno magaalada Burco ayaa sheegaya in la xiray ilaa dhowr abwaan kadib markii ay taageero u muujiyeen Madaxweynaha Somalia.

Labada Abwaan ee la xiray ayaa tiriyay gabayo ay ku ammaanayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maamulka Somaliland ayaa intabadan xarigga caynkaan ah kula kaca shakhsiyaadka ay ku tuhmaan inay taageeraan dowladda Somalia, maadama ay sheegtaan inay yihiin dal madax bannaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM