Fannaaniin shil ku galay nawaaxiga Hargaysa

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Qaar kamid ah fannaaniinta xidigaha Geeska ayaa shil gaari ku galay nawaaxiga magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland, siday ay GO u xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta kooxdaas.

Shilka ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Abaarso oo qiyaastii 15KM dhinaca Galbeed ka xigtay magaalada Hargaysa.

Fanaaniinta shilka galay, ayaa la sheegay inay saarnaayeen Gaari noociisu yahay HAMMER oo uu leeyahay Musician-ka kooxda Axmed Weli Furinle.

Majirto wax khasaaro ah oo ka dhashay shilkaas, balse waxaa bur-bur laxaad leh soo gaaray baabuurka ay ku safrayeen fannaaniintu.

Shilka ayaa dhacay xilli roobab laxaad leh ka da'ayeen nawaaxiga magaalada Hargaysa.

Majirto si rasmi ah u faah faahisay sababta keentay shilka baabuurka.

Kooxdan ayaa socdaal dalxiis u ahayd tuulada Abaarso, waxaana qorshahoodu ahaa inay soo laabtaan isla maanta.

Ilaa todobo qof ayaa ku safrayay baabuurka bur-buray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM