​Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn sameeyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, ayaa xalay saqdhexe isku shaandhayn ku sameeyay xukuumaddiisa, isagoo sidoo kale xilalkii ka qaaday qaar kamid ah guddoomiyaasha gobollada iyo safiirradii u fadhiyay dalka dibaddiisa.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in isku shaandayntaasi taabatay badi golaha xukuumadda iyadoo sidoo kale xilal loogu magacaabay qaar kamid ah hay'adaha dowladda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4377/122016 uu caawa xilka qaadis, isku bedel, iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadiisa,"Ayaa lagu yiri digreeda kasoo baxday madaxtooyada Somaliland.

Jagooyinka iyo cidda ay saameeyeen oo aad u badan ayaa lagu muujiyay qoraalka hoose;

Mas'uuliyiinta xilalka cusub loo magacaabay;

1. In Mudane, Xuseen Cabdi Boos, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Cabdirisaaq Waabari Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamed Axmed Obsiiye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

5. In Mudane, Maxamed Ibrahim Aadan (Qabyo-tire), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Maxamuud Warsame Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. In Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

8. In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland

9. In Mudane, Guuleed Cabdi Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

10. In Mudane, Liibaan Yuusuf Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland

11. In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland

12. In Mudane, Cali Maxamuud Cali Samatar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

13. In Mudane, Axmed Xuseen Rooble (Axmed Joqor), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

14. In Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

15. In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland

16. In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Umal (Yucuboole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

17. In Mudane, Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

18. In Mudane, Axmed Maxamuud Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Mas'uuliyiinta xilalka laga qaaday;

1. Mudane, Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha

2. Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane,  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada

3. Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

4. Mudane, Boos Mire Maxamed,  Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda

5. Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

6. Marwo, Shugri Xariir Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta  

7. Mudane, Cabdi Maxamed Hirad, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud,  Guriyeynta iyo Gaadiidka   

8. Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

10. Mudane, Cismaan Garaad Soofe, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

11. Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Sweden

12. Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Jabuuti

13. Mudane, Cali Aadan Cawaale, Wakiilkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska

14.Mudane, Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Biyaha Magaalada

15. Mudane, Cabdi Cali Mahdi, Maareeyihii Hore ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee JSL   

16. Mudane, Cabdirashiid Xirsi Dalmar Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sool

17. Mudane, Nuuradiin Maxamed Cabdillaahi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

18. Mudane, Xasan Aadan Geedi, Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

19. Mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Ismaaciil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda       

20. Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo aalgashiga Caalamiga ah.

Agaasimayaasha cusub ee la magacaabay ee xilalka loo magacaabay;

 1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Jaamac Axmed Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5. In Mudane, Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Maamulka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gobollada iyo Dawladaha Hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Maxamed Geedi Caynaashe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada (Quality Control) ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. In Mudane, Maxamed Aadan Xirsi (Vitamin), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaagga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Safarrada Somaliland u fadhin doona dalka dibaddiisa;

1. In Marwo, Ayaan Maxamed Cashuur, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom)

2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya

3. In Ambassador, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti

4. In Mudane, Sekeriye Xasan Wacays, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

Hay’adaha Dawladda ee xilalka cusub loo magacaabay;

1. In Mudane, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Naasir Ay-jeex Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta Guddida La Dagaalanka HIV AIDS-ka (SOLNAC) ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Khadar Maxamed Cakule, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamed Cali Axmed (Daarood), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland

5. In Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Axmed Daa’uud Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Guddoomiyaasha gobollada ee xilalka loo magacaabey iyo kuwa laga qaaday;

1. In Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Cabdi Khayre Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Maxamuud Axmed Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo ayaa kusoo beegantay xilli maamulkaasi isu diyaarinayo doorashooyinka madaxtinimo iyo mudda Baarlamaan ee dhacaysa 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM