Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa

Image

Somaliland isku shaandheyn ayuu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo, wareegtada Madaxweynaha, waxaana la magacaabay wasiiro, wasiir ku xigeeno, wasiiru dowlayaal, agaasimayaal iyo wakiilada Kuwait iyo Cumaan 

Akhriso wasiirada la magacaabay:-

Madaxweynuhu waxaa uu go'aamiyey

1 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2 In Mudane, Xasan Xuseen Nuur Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3 In Mudane, Cabdillaahi Aw Aadan Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4 In Mudane, Axmed Cali Baynax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5 In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda)

6 In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta)

7 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL)

8 In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka  Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyada)

9 In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta)

10 In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Wershadaha)

11 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore wasiir ku xigeenkii wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga)

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

1 In Mudane, Jamaal Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2 In Mudane, Cabdikariim Xuseen Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabida Hay'addaha Dawladda

1 In Mudane, Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2 In Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee JSL. Magacaabida La-taliye Madaxweyne

1 In Mudane, Maxamed Ismaaciil Cabdi (Xato), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciyaaraha.

Magacaabida Wakiilka Somaliland ee Cuman iyo Kuwait:-

1 In Mudane, Salaan Xasan Cabdulle Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Cumaan iyo Kuwait.

Magacaabida Gudoomiyeyaasha Iyo Kuxigeenadda Gobolada:

1 In Mudane, Axmed Diiriye Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2 In Mudane, Cabdi Nuur Sugaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3 In Mudane, Nuur Qaasim Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu xilka ka qaaday :

1 Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta 2 Mudane, Axmed Nuur Faahiye, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada 3 Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka 4 Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh 5 Mudane, Ibraahim Jaamac Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saraar 6 Mudane, Maxamed Cali Aadan, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda.

Xigasho: Deprani

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM