Dood dhexmartey musharaxiinta Madaxweynaha Somaliland [ Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Dood si fool ka fool ah u dhex-martay saddexda Musharrax ee Madaxweyne ugu tartamaya Xisbiyada Somaliland ee UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa habeenkii xaley lagu qabtay Hotel Maansoor oo ku yaala magaalada Hargeysa, taas oo si toos ah su’aalo loo weydiinaayo Faysal Cali Waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)i.



Talefishinka Horn Cable oo qabtey doodaan ayaa ololaheedu bilaameysaa maalinta Sabtida ee soo socota iyadoo doorashada la filayo in musharaxiinta Sadexdaan xisbi ku tartamaan 13 Nov, 2017.


Su'aalihii la weydiiyay musharaxiinta xilkaan ayaa waxa ka mid ahaa sida ay ka yeelayaan wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya?


Musharaxa Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa uga jawaabey " Waan sii wadi doonaa wadahadaladaas si loo dhamaystiro si aan u noqono laba dawladood oo walaalo ah."


Musharaxa Xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro "Wada hadalada ay hore u bilaabeen xukumada Kulmiye way fashilmen waxbana kamay soo bixin. Waxan balan qaadaya hadan guulaysto in wada hadalo fiican aan bilaabi doono" ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya su'aal la xiriirtey wadahadaladaan.


Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi " Wada hadalada hore loo bilaabay waxa fashiliyay raga ku jira hogaanka Wadani aniguse Waxan bilaabaya wada hadalo fiican oo ay ka soo baxaan goaamo dhaxal gal ah."


Su'aalaha la waydiiyey musharaxiinta ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa kuwa ka hadlaya arimaha dhaqaalaha gaar ahaan sida ay ka yeelayaan hadii midkood xilkaan ku guuleystoi sicir bararka ragaadiyey dhaqaalaha Somaliland.


Musharaxiin dood noocaan ah ku dhexmareyso Talefishinada ayaa ah mid ku cusub siyaasada Soomaalida gaar ahaan Somaliland oo iyadu muddo nidaamka xisbiyada badan u mareysay isbadalka lagu sameeyo madaxda degaanada ay ka arimiyaan.


Siyaasada Somaliland dadka la socda ayaa sheegaya in doorashada loo galayo tartanka madaxweynaha noqoneyso mid adag waqtigaan iyadoo xubnaha ku tartamaya labada Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani leeyihiin khibrado kale duwan kuwasoo muddo ku soo jirey siyaasada maamulkaas.


Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah musharaxa xisbiga Wadani ayaa muddo ka badan 10 sano gudoomiye ka soo ahaa Barlamanka Somaliland halka Muse Biixi Cabdi uu kamid ahaa saraakiisha Jabahadii SNM kadib xilal Wasiir iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye soo noqdey.


Somaliland oo iyadu ka go'dey dalka Soomaaliya ayaan weli helin aqoonsi caalami ah balse ku guuleysatey in degaanada ay ka arimiso ka hirgaliso nidaamka xisbiyada badan la isku doorto taasoo kaalmo iyo bogaadin kaga hesha beesha caalamka.


Doorashada Somaliland ayaa dib u dhacdey marar badan iyadoo markii dambe lasoo hormariyey doorashada Madaxtooyada taasoo la qaban doono 13 Nov, 2017.

 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM