Roobab xoogan oo ka da'ay Somaliland Dadna ku dhinteen

Image

Roobab fiican ayaa ka curtay meelo badan oo ka mida deegaanada Somaliland, meelaha roobabku ka da'een waxa ka mida Gobolka Awdal ilaa inta u dhaxaysa gobolka togdheer 

Roobabkani oo ahaa  kuwo aad u xoog badan oo  sababey daadad badan in dooxyadu soo rogmadaan. 

Magaalada Hargeysa maanta iyo shalay waxa helay roobab xoog leh oo kuwasoo magalaada dhamaanteed biyo dhigia ku sameeyey. 

Dhinaca kale habeenkiii xalay waxaa roob xoog leh oo ka da'ay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa  kaas oo xidhay isku socodkii gaadiidka marayay wadadaasi, waxanay qaadeen gaari Surf ah oo ay wateen laba gabdhood oo walaalo ah kuwaasi oo halkaasi ku geeriyooday.

Dooxaan oo kasoo rogmadey dooxa Aw-Barkhadle ayaa gabdhaha ku dhintey maanta waxa lagu aasay magaalada Hargeysa 

Roobabkan haatan ka curtay Somaliland ayaa ah kuwo xoog badan, waxanay ku soo beegmaysaa waqti abaar xun ka jirto guud ahaan dhulka Somalidu degto.

Dad badan ayaa ka guuray deegaanadii ay deganaayeen abaar awgeed kuwaasi oo ay ka baxeen xoolihii ay lahaayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM